
Wasiirkii hore ee amniga Jubaland Cabdirashiid Janan ayaa beeniyay warar laga faafiyay oo sheegayay in uu ka baxsaday dowladda federaalka Soomaaliya.
Janan oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay in wararka lagu faafiyay baraha bulshada ee ahaa in uu baxsad ka yahay dowladda aysan waxba ka jirin, isla markaana uusan diyaar u ahayn colaad.
Wuxuu sheegay in uu ka guuray guri udhawaa xarunta hay’ada NISA oo u guuray guri kale oo ku yaalla xaafad kale, taasna aan lagu macnayn karin isku dhac.
Cabdirashiid Janan oo soo hadal qaaaday xiisada Doolow ayaa xusay in ciidamadii uu wareejiyay ay ka mid yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya, hase ahaatee aysan ahayn ciidamo uu leeyahay, haddii ay xuquuqi ka maqan tahayna ay la qabaan ciidamada kale ee dowladda.
Dhanka kale Janan wuxuu ku dhawaaqay in uu yahay musharax u tartamaya mid ka mid ah kuraasta Aqalka Hoose ee deegaan doorashadoodu tahay Garbahaarey.
Janan ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble u ammaanay sida uu wado howlaha doorashooyinka dalka, wuxuuna ku baaqay in lagala shaqeeyo.
Hoos ka daawo muuqaalka Cabdirashiid Janan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.