17 maleeshiyo ah oo lagu dilay weerar ka dhacay Burkina Faso

Weerar ka dhacay dalka Burkina Faso  ayaa lagu dilay 17 maleeshiyaad ah, kuwaas  soo  weeraray  xero ay ciidamada militariga dalkaasi ku lahaayeen  magaalada Belacoca ee waqooyiga dalkaas.

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha dalkaas, sarkaal ka tirsan dowladda ayaa yiri: “Kooxo hubeysan oo watay  20 mootooyin  ayaa  weerar ku soo qaaday  xero ciidamada difaaca oo ku taal soohdimaha xuduudka dalkaasi kala dhexeeya  ee  Mali iyo Niger.

Laamaha amniga   Burkina Faso ayaa sheegay in ay  dileen 17 dagaalyahan , halka 5 ka mid ah ciidanka  Difaaca Madaniga ah oo ka barbar dagaalamaya ciidamada malitariga  ay ku dhinteen  weerarka oo dhacay waqooyiga dalka.

PUNTLAND POST