
Asad Shariif Abuukar, oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeellada hoose.
Saraakiisha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa warbaahinta u soo bandhigay ninkanka oo sida ay sheegeen ka soo goostay Al-shabaab.
Saraakiishu faahfaahin kama bixin sida uu ku soo goostay ninkan iyo jagada uu ka hayay Al-shabaab midna.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.