
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta oo Khamiis ah magaalada Nairobi kula kulmay xubno ka tirsan wakiilada Beeshaa Caalamka ee ku sugan waddanka Kenya.
War kooban oo ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa lagu sheegay in Rooble uu kulan la qaatay qaar ma mid safiirada Beesha Caalamka ee ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya.
Qoraalka waxa sidoo kale lagu sheegay, in Ra’iisul wasaaruhu Wakiilada Beesha Caalamka kala hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee Beesha Caalamku siiso Soomaaliya.
“Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan kula qaatay magaalada Nairobi qaar ma mid safiirada Beesha Caalamka oo uu kala hadlay arimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo kaalintooda ku aaddan taageeradaada dhaqaale ee Beesha Caalamka.”
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.