
Baarlamaanka Galmudug ayaa maanta doorasho gacan-taag ah ku doortay lix (6) xildhibaan oo ka mid ah xubnana Galmudug ku matala Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya.
Xubnaha la doortay waxaa ku jira saddex xubnood oo ka mid ahaa xubnihii Aqalka Sare ee waqtigoodu dhamaaday, kuwaas oo kala ah Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey), Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) iyo Samsam Daahir Maxamuud.
Siciid Siyaad Shirwac ayaa ku guuleystay kursiga 1-aad ka dib markii uu tanaasulay Maxamed Daahir oo la tartamayey. Senator Siciid ayaa waxa uu helay 87 cod waxaana diiday 2 xildhibaan.
Yuusuf Geelle Ugaas (Dhagey) ayaa ku guulaystay kursiga 2-aad ka dib markii uu tanaasulay Daahir Faarax Fiidow waxaana ogolaaday 87 xildhibaam, waxaa diiday 1 mudane, waxaana ka aamusay mudane kale.
Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) ayaa ku guuleystay kursiga 3-aad ee Aqalka Sare, waxaana u tanaasulay Nuur Xasan Guutaale, waxaana gacantaag ugu codaysay 86 mudane, waxaa diiday 2 xildhibaan, waxaa ka aamusay 1 mudane.
Samsam Daahir Maxamuud ayaa ku guuleystay kursiga 4-aad ee Aqalka Sare oo laga soo dooranayo Galmudug waxaa u tanaasulay Farxiyo Daahir Guure, iyadoo heshay 89 cod.
Cabdixakiin Macallin Axmed ayaa ku guulaystay kursiga 5-Aad ee Aqalka Sare xubnaha Galmudug ka dib markii ay tanaasushay Ismahaan Cabdi Xuseen oo la tartamaysay. Xildhibaanada ayaana codka kalsoonida u qaaday waxaana ogol ugu codaysay 86 mudane, waxaa diiday 1 xildhibaan, waxaana ka aamusay 2 mudane.
Duniyo Maxamed Cali ayaa ku guulaysatay kursiga 6-aad ee kuraasta Aqalka Sare ku matala Galmudug ka dib markii ay tanaasushay Khadro Cabdullaahi Isxaaq oo la tartamaysay, Duniyo ayaa waxa u codeeyey 88 mudane, waxaana ka aamusay 1 xildhibaan.
Galmudug ayaa Aqalka Sare ku leh siddeed (8) xubnood, waxaana doorashadoodu dhiman tahay labo xubnood oo weli Madaxweyne Qoorqoor soo gudbin.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.