Ex. Wasiir Axmed Siciid Nuur oo si adag u cambaareeyay doorashada Aqalka sare ee Garoowe ka dhacday

Siyaasi Axmed Siciid Aw-nuur, oo ka tirsan urur siyaasadeedka Mideeye oo galabta warbaahinta la hadlay, ayaa si adag u cambaareeyay doorashadii Aqalka sare ee shalay ka dhacday magaalada Garoowe.

Mudane Axmed Siciid, ayaa sheegay in doorashadii Aqalka sare aysan ku dhicin si caddaalad ah, islamarkaana laga reebay siyaasiyiin doonayay in ay u tartamaan kuraasta Aqalka sare, taas beddelkeedana lagu qoray dad tiro-buuxis ah, si ay ugu camiraan xubnaha madaxweynuhu soo xushay.

Madaxweyne Deni, ayuu sidoo kale ku dhaliilay in uu si caddaalad-darro ah u maamulay doorashada Aqalka sare, isagoo shaki ka muujiyay sida madaxweynuhu, Puntland uga hirgelin karo doorasho qof iyo cod ah, maadaama uu caddaalad u maamuli waayay doorashada 11 xubnood oo keliya.

Ex. Wasiir Axmed Siciid Aw-nuur oo Puntland ka soo qabtay wasiirka Waxbarashada iyo wasiirka Kalluumeysiga, wuxuu sidoo kale ka hadlay doorashada Soomaaliya ee 2021, isagoo sheegay in ay ka liidan doonto doorashadii dhacday 2016-2017, maadaama ay ka muuqato ifafaalo aan fiicnayn.

Halkan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST