AMISOM oo baaritaan ku bilowday dhacdo dad rayid ah ku dhinteen


Howlgalka Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ee AMISOM, ayaa sheegay in ay billaabeen baaritaan ku saabsan dhacdo lagu dilay todoba qof oo rayid ah.

War ka soo baxay AMISOM, ayaa lagu sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan dilkaas oo dhacay degaanka Golweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka shacabka ah ee toogashadooda lagu eedeeyay AMISOM ayaa u badnaa beeraley, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degaanka.

AMISOM ayaa sheegtay in degaanka Golweyn ay dagaal kula galeen maleeshiyada Al-shababaab oo weerar ku soo qaaday koloyo gaadiidkooda ah.

PUNTLAND POST