Guddiga Hirgelinta Doorashada heer dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa soo saaray jadwalka doorashada kuraasta uu xalay shaaciyay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in doorashada xubnahaas ay dhici doonto maalinta Khamiista ee Beri ah, taariikhduna ku beegan tahay 12/8/2021.
Sidoo kale Guddiga waxaa ay sheegeen in Maanta oo Arbaco ah la diiwangelin doono Musharixiinta Aqalka Sare ee uu Madaxweyne Qoor Qoor u soo gudbiyo si Maalinta beri ah ay doorashada u dhacdo.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.