Taliban oo qabsaday saddex magaalo oo ka tirsan Afghanistan

Kooxda Taliban ayaa todobaadkan saddex caasimad goboleed ka qabsaday dowladda Afghanistan.

Dagaalka ayaa sii xoogeysanayey wixii ka dambeeyey bishii May, markii ciidamada ajnabiga ay billaabeen wejigii ugu dambeeyey ka bixitaankooda dalka, oo la filayo in lasoo geba-gebeeyo bishan.

Caasimad goboleedyada kala ah Kunduz, Sar-e-Pul iyo Taloqan oo ku yaalla waqooyiga dalkaas ayaa saacado gudahood waxay dhammaantood Axaddii ugu gacan galeen Taliban, sida ay xaqiijiyeen sharc-dejiyayaal, ilo-waeedyo amni iyo dadka deegaanka.

Wasaaradda Difaaca Afghanistan ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay weli dagaalka wadaan si ay dib ugu qabsadaan magaalooyinkaas.

PUNTLAND POST