
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xalay Xarunta madaxtooyada kula kulmay guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka Heer Federaal.
Kulanka labada mas’uul waxa ku weheliyay guddiga doorashada heer Galmudug iyo xubno ka socday guddiga Xalinta Khilaafaadka.
Wararku waxay sheegayaan in Kulanka looga hadlay howlaha dardar gelinta doorashooyinka oo la filayo in Galmudug ay todobaadkan gudihiisa bilowdo doorashada Aqalka Sare.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmihii u dambeeyay laga sugayay inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.