Roobab xooggan xalay ka da`ay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland.
Roobabka ayaa daad ku fatahay xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeysa islamarkaana halis geliyay nolosha dadweynaha qaarkood.
Ciidamada dab-demiska Somaliland ayaa sheegay in ay samata-bixiyeen dad kor u dhaafaya 48 ruux oo isugu jiray carruur iyo waayeel, ka dib markii biyo ugu galeen guryahooda.
Saraakiisha dab-demiska ayaa sidoo kale tilmaamay in ay gaadiid kala duwan ka reebeen daadad xooggan.
PUNTLAND POST