
Dowladda Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay hannaan lagu mideynayo lacag bixinta bangiyada dalka.
Kulanka daahfurka waxaa ka qeybgalay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed, Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Madaxda Bangiyada gaarka loo leeyahay.
Hannaankan oo Bankiga dhexe ee Soomaaliya uu ku mideynayo bangiyada Soomaalida ayaa sahlaya in bulshada ay si fudud bangiyada isugu diri karaan.
Waa markii ugu horreysay ee Bangiyada dalka iyo Bangiga dhexe ee Soomaaliya ay isugu yimaadaan ka arrinsiga hannaankan cusub ee lagu soo kordhinayo adeegayda Bangiyeed ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.