Maanta oo Sabti ah ayaa lagu wadaa in Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Guddiga Somaliland ee maamulaya doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee Gobolada Waqooyi.
Xubnaha Guddiga doorashada Somaliland ayaa doorashadooda Maanta ku dooran Guddoon hoggaamiya Guddiga oo ka kooban 11-xubnood oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahi Guuleed iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble.
Dhinaca kale doorashada dhaceysa ayaa waxaa diiday in ay ka qeyb galaan xubnaha Garabka ee uu soo magacaabay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi.
Xubnahan oo ah afar ka mid ah sideedda Guddiga doorashada heer Somaliland ee ka yimid dhanka Cabdi Xaashi oo la hadlay warbaahinta ayaa shuruud ku xiray ka qeyb galkooda doorashada.
Waxaa ay dalbadeen afarta xubnood ee Cabdi Xaashi inay uga qeyb geli karaan oo kaliya doorashada in wada hadal iyo heshiis dibadda ah oo lagu dhammeeyo muranka jira.
PUNTLAND POST