Xukuumadda Itoobiya ayaa shaacisay in ay hawlgal ku qaadi doonto jabhadda Tigrayga ee TPLF kadib markii ay qabsadeen magaalooyin horleh.
Jabhadda TPLF ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku haynta magaalada Lalibela, oo ah magaalo ay hay’adda Unesco u aqoonsatay in ay tahay magaalo qadiimi ah.
Magaaladan ayaa waxay ku taallaa gobolka Amxaarada oo daris la ah gobolka Tigrey.
Dagaallada ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii Juun markaas oo jabhadaha (TPLF) iyo xulufadeeda, ay dib u qabsadeen inta badan deegaanada gobolka Tigray.
PUNTLAND POST