Puntland oo ka hadashay dib u dhaca imtixaanka Shahaadiga ah ee 8-aadka

Wasiiru-dowlaha Waxbarashada dowladda Puntland, Cabdullaahi Xasan Rooble, oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Daljir ayaa si kooban uga hadlay dib u dhaca ku yimid sixidda imtixaanka shahaadiga ah ee 8-aadka.

Wasiirka ayaa sheegay in ay jiraan duruufo kala duwan oo keenay, in aysan wasaaraddu weli dhammaystirin sixitaanka imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe ( 8-aadka), balse wuxu ka gaabsaday in uu faahfaahin intaas ka badan bixiyo.

Wasiir Rooble ayaa u ballan-qaaday waalidiinta iyo ardayda, in la dhammaystiri doono sixitaanka Imtixaanka, islamarkaana la shaacin doono natiijadiisa, si ardaydu u bilaaban fasalka kowaad ee dugsiyada sare.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ka horyimid kordhinta lagu sameeyay lacagta laga qaado Ardayda wax ka barta iskoolada magaalada Garoowe, waxaana uu sheegay in go’aankaas dib u eegis lagu samayn doono.

PUNTLAND POST