Odayaasha Boocame oo beeniyay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaallamay Saax-maygaag

Odayaal ku sugan degmada Boocame, ayaa beeniyay warkii xukuumadda Puntland ku sheegtay in la kala qaaday dhinacyadii ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG.

Odayaasha ayaa sheegay, in aysan waxba ka jirin warkaas, islamarkaana dhankooda aysan u hoggaansami doonin amarka ka soo baxay Puntland ee lagu faray dhinacyada dagaallamay, in ay kala qaadaan ciidamada.

Sidoo kale, Odayaasha ayaa tilmaamay in go’aanka lagu joojiyay degaamaynta Saax-maygaag iyo Sange-jebiye uu yahay mid baaddil ah, sidaas darteedna dhankooda aysan fulin doonin go’aankaas.

Halkaan ka daawo Hadalka Odayaasha

PUNTLAND POST