
Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, wuxuu la yeeshay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland.
Madaxweyne Deni, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.
Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.
Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Gobol-gobol ula kulmay dhammaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland, isagoo kala-hadlay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland.
Madaxweynaha ayaa lagu wadaa, in uu maanta oo Khamiis ah soo saaro liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.