Joe Biden oo ku baaqay in uu iscasilo guddoomiyaha gobolka New York

Xeer-ilaaliyaha Guud ee gobolka New York Latitisa James ayaa dambi ku heshay guddoomiyaha gobolka New York, Andrew Cuomo, kaas oo ku eedeysan inuu faraxumeyn u geystay dumar ay shaqo wadaag ahaayeen.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ugu baaqan Cuomo inuu is casilo, kaddib markii ay soo baxday warbixinta xeer-ilaaliyaha gobolka New York, waxaana sii kordhay tirada madaxda xisbigiisa Dimoqraadiga ah ee doonaya inuu banneeyo xaafiiska.

Cuomo ayaa iska fogeeyay eedeymaha loo heysto, isagoo warbixinta Xeer-ilaaliyaha Guud ku tilmaamay mid xaqiiqada ka fog.

PUNTLAND POST