
Xildhibaannada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa maanta kulankoodii u horreeyay ku yeelanaya xarunta Baarlamanka Hargeysa.
Baarlamanka Somaliland ayaa sida qorshaysan isla maanta dooranaya Guddoonka Golaha Wakiilada oo ka kooban Guddoomiyaha, Guddoomiye ku xigeenka kowaad iyo Guddoomiye ku xigeenka Labaad.
Murashixiinta u tartamaya Guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland, waxa ugu cad-cad Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo sharraxan xisbiga Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna ka sharraxan xisbiga Waddani.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.