Lacag intee le’eg laga qaaday Ardayda Puntland ee loo sixi waayay Imtixaanka?

Sannad-dugsiyeedka iskuulada Waxbarashada Puntland, ayaa furmaya maanta oo Talaado ah, xilli aan weli la sixin imtixaankii shahaadiga ahaa ee laga qaaday Ardayda fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe.

Markii ugu horreysay taariikhda waxbarashada Puntland, dugsiyada sare ma heli doonaan arday ka gudubtay imtixaanka fasalka siddeedaad oo billaabi kara fasalka kowaad ee dugsiga sare, sida ku jirtay warbixin Puntland Post qortay maalmo ka hor.

In ka badan 12,000 oo arday ayaa u fariistay Imtixaankan Shahaadiga ah, oo sida wararku sheegayaan loo waayay dhaqaale lagu saxo, inkastoo aysan weli Wasaaraddu ka hadlin arrintaas.

Imtixaanka ka hor, arday kasta oo kamid ah 12,000 kun waxa laga qaaday lacag dhan $20 Dollar, waxaana lacagtaas wadar ahaan u dhigantaa $240,000 kun oo Dollar, haddii lagu dhufto tirada guud ee ardayda.

Haddaba, sideee u aragtaa in Imtixaanka dhaqaale loo waayay, iyadoo ardayda laga qaaday $240,000 kun oo Dollar?

PUNTLAND POST