
Xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa doortay xubnihii ugu horreeyey ee maamulkaas ku matalaya Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya.
Xildhibaankii ugu horreeyey ee Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Koonfur Galbeed ee lagu doortay magaalada Baydhaba, ayaa noqotay Senator Zamzam Ibraahim Cali, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare. Senator Zamzam ayaa Shariifo Cusmaan Xaji kaga adkaatay codeyn ah 81-4.
Kursigii labaad ee maanta la doorto ayaa waxaa ku guuleystay Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ka adkaatay Farxiya Nuur Aadan. Kursiga Ayaan ay ku guuleysatay ayaa waxaa hadda ku fadhiya Senator Ilyaas Cali Xasan.
Baarlamanka Koonfur Galbeed ayaa la filayaa in maanta uu doorto ilaa shan senator, ayada oo hadda ay socoto codeynta xubnaha kale.
Senator Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa noqonaya labadii haween ee ugu horreeyey ee loo doorto Aqalka Sare ee cusub ee Soomaaliya.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.