
Dhinacyadii maalmo ka hor ku dagaallamay degaanka SAAX-MAYGAAG ayaa weli isku horfadhiya halkaas.
Labada dhinac ayaa diiddan in ay u hoggaansamaan amar ka soo baxay xukuumadda Puntland, kaas oo lagu faray in ay banneeyaan dhulkii lagu dagaallamay.
Puntland ayaa sidoo kale mamnuucday degaamaynta dhul daaqsimeedka SAAXMAYGAAG iyo SANGE-JEBIY, si loo xakameeyo xiisadda colaadeed ee ka aloosan dhulkaas.
Colaadda u dhexaysa labada dhinac oo ku salaysan muran dhuleed ayaa marar kala duwan dhalisay iska hor-imaadyo hubaysan.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.