Sixid La’aanta Imtixaanka Fasalka Siddeedaad oo Saameeyay Dugsiyada Sare ee Puntland

Garoowe (Wararka PP) — Maanta, 1da Agoosto waxay ku beegan tahay sanadguurada 23aad ka soo wareegtay asaasiddii Puntland. Berri waa maalinta kowaad ee sanad-Dugsiyeedka 2021-2022 uu billaabmi doono.

Markii ugu horreysay taariikhda waxbarashada Puntland dugsiyada sare ma heli doonaan arday ka gudubtay imtixaanka fasalka siddeedaad oo billaabi kara fasalka kowaad ee dugsiga sare. Sixid la’aanta imtixaanka fasalka siddeedaad oo la qaaday bishii Maajo 2021 ayaa ugu wacan in sanad-dugsiyeedka 2021-2022 billaaban doono jiritaan la’aanta fasalka kowaad ee dugsiga sare.

Imtixaannada aan la sixin waxay saameeyeen carruur badan oo xaqoodii waxbarasho lagu gaboodfalay inkastoo dowladda Puntland u qoondaysay waxbarashada 8% miisaaniyad.

Dowladda Puntland may caddaynin sababaha imtixaanka loo sixi waayay xilli maamulka hadda jira ku bixinayo lacag badan xafladda loogu damaashaadi doono sanadguurada 23aad ee asaaskii Puntland.

“Yay Puntland ku eedeynaysaa niyadjabinta carruurta u diyaargarowday billaabista fasalka kowaad ee dugsi sare” ayuu bare doonaya inaan magaciisa la xusin u sheegay Puntland Post.

© Puntland Post, 2021