
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday Heshiiska Dayactirka Wadooyinka Puntland oo ku kacaya $7.4 Million oo ay bixinayso Dowladda Puntland.
Heshiiska ayaa waxaa kala saxiixday Wasaaradda Maaliyadda oo bixinayso Lacagta iyo Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gadiidka oo fulinaysa.
Wasaaradaha wax u kala saxiixay labada Wasiir ee Wasaaradahaasi Xasan Shire Cabdi iyo Axmed Bashiir Muuse iyadoo sidoo kale uu kulanka ka qeybgalay Wasiirka Qorsheynta Cabdiqafaar Xaange.
Wadooyinka la dayactirayo ayaa kala ah:
Juurile- Boosaaso
Qardho – Garoowe
Garoowe- Brita dheer
Garoowe-Falaryaale.
Qorshaha horumarinta kaabayasha dhaqaalaha wuxuu qeyb ka yahay siyaasada tayeynta iyo horumarinta Puntland, waxaana kharashka ku baxaya dhammaan dayactirka wadooyinka oo dhan $7.4 Million bixinaysa Dowladda Puntland.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.