Munaasabadda 1-da Agoosto oo Puntland laga xusayo

Maanta oo ku beegan 1-da Agoosto 2021, waxa 23 sano ka soo wareegtay markii la as’aasay dowladda Puntland 1998-dii.

Puntland ayaa sannad kasta laga xusaa munaasabaddan taariikhiga ah, oo ku astaysan maalin farxadeed, islamarkaana lagu soo bandhigo guulaha ay muddadaas gaartay dowladda Puntland.

Xuska 1-da Agoosto oo xambaarsan xiiso iyo xammaasad gaar ah, ayaa laga dareemaya dhammaan Gobollada Puntland, gaar ahaanna caasimadda Garoowe.

Gaadiidka yar yar iyo goobaha caweyska ayaa lagu buufiyay calanka Puntland, si loo muujiyo xuska maalintan taariikhiga ah.

Munaasabadda ugu weyn ee xuska ayaa sida qorshaysan Caawa ka dhacaysa xarunta madaxtooyada Puntland ee Garoowe, waxaana ku casuman dad badan oo isaga yimid dalka iyo dibaddiisa.

PUNTLAND POST