Madaxweyne Deni oo xariga ka jaray dhismaha cusub ee Bankiga dowlada

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saaka xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Bangiga dowladda Puntland.

Bangiga waxaa dhistay dowladda Puntland iyadoo uu hore u dhagax dhigay madaxweyne Deni 3-dii March 2020, sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyada.

Warka ayaa sidoo kale xusay in dhismaha xaruntan kharashaadka lagu fuliyay laga helay  beekhaaminta dakhliga dowladda.

PUNTLAND POST