Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in caasimadda Garoowe uu dhowaan ka furmi doono shir ku saabsan Bankiyada Islaamiga ah oo heer Soomaaliya oo dhan ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shirkaas oo furmi doona 5-ta bishaan Agoosto ay muujinayso calaamad hormar maadaama shir heer Soomaaliya oo dhan ah uu yahay.
Mudane Deni ayaa sheegay in uu doonayo in Garoowe noqoto halka laga hago dhaqaalaha iyo Siyaasadda guud ahaan dalka Soomaaliya.
Halkaan ka daawo Hadalka madaxweynaha
PUNTLAND POST