
Xildhibaan Maxamuud Nuur, oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka, ayaa maanta oo Sabti ah si weyn loogu soo dhoweeyay caasimadda Puntland ee Garoowe.
Xildhibaanka waxa Garoonka Diyaaradaha Caasimadda ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha dowladda Puntland, xildhibaano heer Federaal ah, Maamulka Gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Ganacsato, Siyaasiyiin, Ururada Haweenka iyo dadweyne kala duwan.
Sidoo kale, Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Maxamuud Nuur iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb-galaya dabaaldega Munaasabadda1-da August, sannad-guurada markii la as’aasay Puntland.
Hoos ka daawo Muuqaalka oo dhan
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.