Durban (Wararka PP) — Intii dibedbaxyadii qalaalasaha watay ay ka socdeen Koonfur Afrika, Duduzane oo ah wiilka Jacob Zuma, Madaxweynihii hore, ayaa ugu baaqay bannaanbaxayaasha inay si xilkasnimo iyo feejignaan leh ay wax u bililiqaystaan.
Duduzane wuxuu dowladda ku eedeeyay qalalaasaha socday oo uu ku tilmaamay mid xidhistii aabbihii ay keentay. Maxkad ayaa Zuma ku xukuntay 15 bilood oo xarig ah quursi maxkamadeed awgeed. Dadka u kuurgala siyaasadda ayaa muujiyay cabsida in saamaynta rabshadihii dhacay sii socon doonto.

330 qof ayaa ku geeriyooday bililiqaysi baahsan oo ka dhacay Koonfur Afrika toban maalmood ka hor. Baaqa wiilka Zuma wuxuu xoojiyay tuhunka laga qabay in siyaasiyiin ku dhowdhow Zuma ay maleegeen shirqool xasiloonnidarro ah si dowladda cadaadis loogu saaro sii daynta Jacob Zuma.
“Bililiqayste kama fekero mustaqbalka” ayuu qoray Simon Kuper oo ah qoraa Biritish ah oo ka soo jeeda Koonfur Afrika.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.