Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya oo maanta ku wajahan Garoowe

Wefdi heer wasiiro ah oo ka tirsan xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta oo Sabti ah ku wajahan magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Sida wararku sheegayaan wefdigan ayaa ka qayb-galay xuska sannad-guurada as’aaskii Puntland oo ku beegan 1-da Agoosto.

Sidoo kale, waxa maanta Garoowe imaanaya xildhibaan Maxamuud Nuur oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota ee waddanka Maraykanka.

Xildhibaanka ayaa isna ka qayb-galaya xuska sannad-guurada as’aaskii Puntland ee 1-da Agoosto, taas ka dhacaysa caasimadda Garoowe.

PUNTLAND POST