Kismaayo: Koox Ciyaartoy ah oo qarax lagu laayay

Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhintay 9 kalana waa ku dhaawacmeen qarax galabta ka dhacay isgoyska Golol xaafadda Farjano ee magaalada Kismaayo

4 ruux ee dhamashadooda la xaqiijiyay 3 kamid ah waa ciyaartoy ka tirsan kooxda Rugta Gancsiga Jubaland (JCCI) halka ruuxa kalana yahay darawalkii gaari u waday.

Kooxda ayaa ku sii jeeday garoonka ciyaaraha magaalada Kismaayo ee Waamo oo galabta madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe uu xariga ka jari lahaa dayactir lagu sameeyay garoonka iyo sidoo kale horyaalka heerka koowaad ee Jubbaland.

Kooxda JCCI ee ciyaartoydeeda la qarxiyay ahaa ahayd kooxdii sanadkii hore qaaday horyaalka heerka koowaad ee Jubbaland.

Mdaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullhaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa ka tacsiyeeyay geerida ciyaartoyda, waxayna weerarka ku eedeeyeen Al-shabaab, iyagoo ku tilmaamay xasuuq.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa, inkastoo Al-shabaab looga bartay in ay sheegtaan inta badan qaraxyada ka dhaca Soomaaliya.

PUNTLAND POST