Wasiirkii hore ee Waxbarashada Puntland, Axmed Siciid Awnuur ayaa maanta dhaliil u jeediyay shir ku saabsan horumarinta Waxbarashada Puntland oo ka socda magaalada Garoowe.
Ex- wasiir Axmed Siciid Awnuur, ayaa shirka ku tilmaamay mid wakhti lumis ah oo aysan ka muuqan in uu wax ku soo kordhin karo horumarinta hannaanka Waxbarashada Puntland.
Sidoo kale, wuxu xukuumadda madaxweyne Deni ku dhaliilay in laga la’yahay qoondadii miisaaniyadda Waxbarashada, islamarkaana aysan wax la taaban karo ka qaban arrimaha Waxbarashada.
Axmed Siciid Awnuur ayaa sidoo kale talooyin u soo jeediyay Shirka, isagoo ku boorriyay in ay ajandaha lagu daro maalgelinta waxbarashada.
Halkaan ka daawo muuqaalka
PUNTLAND POST