
Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida DDS waxa saaka ka socda bannaan-bax weyn oo looga horjeedo xasuuq la sheegay in Canfartu ka gaysteen gobolka SITI.
Dibad-baxayaasha ayaa ka caraysan weerarkii malayshiyaadka Canfartu ku qaadeen degaanka lagu magacaabo Garbo-ciise oo ka tirsan gobolka SITI halkaas oo lagu laayay dad rayid ah.
Dumar iyo carruur badan ayaa sida la xaqiijiyay lagu laayay weerarkii u dambeeyay ee Canfartu ku qaadday tuulada Garbo-ciise inkasoo markii dambe laga saaray.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.