Maxaa ka soo kordhay Kiiskii Xildhibaan Kuluc?

Fadhiga 19-aad ee Kalfadhiga Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Talaado ah looga hadlay arrinta ku saabsan anshax-marinta xidlhibaan, Axmed Cabdiraxmaan Jaamac kuluc oo horay u dhaliilay wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamanka.

Guddiga Anshax Baarlamanka, oo maanta horyimid Golaha ayaa sheegay in aysan weli soo dhammaystirin kiiska xildhibaan Kuluc, sidaad darteedna aysan go’aan ka gaarin arrintaas.

Wararku waxay sheegayaan ,in guddiga Anshaxa uu isku khilaafay kiiska anshax-marinta xildhibaan Kuluc, islamarkaana badankoodu soo jeediyeen in kiiskaba halkaas lagu xiro oo aan mar dambe laga hadlin.

Sidoo kale, xildhibaan ka tirsan Baarlamanka oo kulankii maanta ka hadlay ayaa sheegay in kiiskan noqday diyaarad cagihii u bixi waayee,  isagoo soo jeediyay in aan mar dambe la soo hadal qaadin.

Intaas kadib Baarlamanka ayaa galay fasax lix maalmood ah, waxaana lagu ballamay in dib la isu-gu soo laabto 3-da bisha Agoosto, iyoo markaas loo gudbi doono doorashada Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya.

PUNTLAND POST