Garaad Jaamac Garaad Cali oo sheegay in laga been-abuurtay

Garaad jaamac Garaad Cali, ayaa sheegay in fasiraad qaldan loo sameeyay hadal uu maalmo ka hor ka jeediyay xafladdii Caana-shubka Garaad Maxamed Garaad Abshir,  oo ka dhacday degaanka Widhwidh ee Gobolka Cayn.

Garaadka ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu cid gaar ah ula jeeday hadalkiisi ahaa in Islaan Ciise Islaan Maxamed uu dhaqanka ku adagyahay, islamarkaana qof kursiga Baarlamanka soo maray uusan mar kale ugu celin.

Dadka qaarkood ayaa baraha bulshada ku qoray in Garaadku hadalkiisa ula jeeday xildhibaan Cali Yuusuf Cali Xoosh oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya lagana soo doorto Gobolka Nugaal.

Balse Garaad Jaamac ayaa caddeeyay in hadalkiisu aanu ku socon xildhibaan Cali Xoosh, isago sheegay in ciddii ay xildhibaan siyaasad ku muransan yihiin ay si kale u dhaliisho.

Halkaan ka daawo Muuqaalka Garaadka

PUNTLAND POST