
Ciidmado ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa israsaaseyn xoogan oo sababtay khasaare dhismasho iyo dhaawac ku dhexmartay Isgoyska Ex-koontorool Afgooye ee magaalada Muqdisho.
Inta la xaqiijiyay israsaaseynta waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, sidoo kale israsaaseyn waxaa wararku sheegayaan in ay ku dhinteen askar.
Intii dagaalka socday waxaa istaagay isku socodka dadka iyo gaadiidka, sidoo kale waxaa xirmay goobaha ganacsiga, oo markii dambe dib u furmay.
Weli ma jiro wax war ah oo kasoo baxay laamaha amniga dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay uga hadl een israsaaseynta khasaaraha sababtay ee ka dhacday Isgoyska Ex-koontarool Afgooye, taas oo ka bilaabatay muran ku saabsan lacago laga qaado gaadiid Isgoyska laba raro.
Marar badan ayaa ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya is rasaaseyn khasaare ka dhashay ku dhexmartay magaalada Muqdisho.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.