
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa guddi u magacaabay qaban-qaabada iyo diyaarinta xaflada xuska maalinta 1-da Agoosto 2021, oo ku beegan sanad-guuradii 23-aad ee aas’aaskii Puntland.
Guddiga oo ka kooban 7 xubnood ayaa kala ah:
1. Xasan Shire Cabdi Wasiirka, Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye)
2. Cabdisamed Maxamed Gallan, Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin)
3. Aamino Cismaan Jaamac, Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin)
4. Jaamac Faarax Muuse, Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin)
5. Cabdisalaan Siciid Faarax, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin)
6. Cabdi Xasan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
7. Maxamed Cabdirashiid Cali, Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin).
Puntland ayaa sanad kasta xusta 1-da Agoosto, waxaana dib loogu milicsadaa taariikhda aas’aaskii dowladda Puntland 1998, guulihii laga dhaxlay hirgelinteeda iyo wixii laga gaabiyay.
23 sano ee Puntland jirtay waxaa la hantay oo hirgalay himilooyin badan, inkastoo lagu guuldareystay xaqiijinta kuwa kale.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.