Guddoomiye Ciro oo gaaray Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo ku dhawaaqi doona liiska xubnaha Aqalka sare


Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Maxamed Ciro ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland.

Safarka guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa la xiriira doorashada Aqalka Sare ee Jubaland oo maalmaha soo socda ka dhici doonta Kismaayo, taas oo lagu furi doono doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyanaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in uu saacadaha soo socda ku dhawaaqo liiska xubnaha u tartamaya Aqalka Sare ee Jubaland.

Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhici doonta inta u dhaxaysa 25 ilaa 28 July 2021.

PUNTLAND POST