Ambassador Sureer Abshir Muuse oo lacag ugu deeqday dhismaha Jidka isku xira Garowe iyo Godobjiraan

Ambassador Sureer Abshir Muuse, oo u sharraxan xubinnimada Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa booqasho dhiirra-gelin ah ku tagtay jidka isku xira magaalooyinka Garoowe iyo Godobjiraan oo hab isku-tashi ah lagu dhisayo.

Ambassador Sureer waxa halkaas ku soo dhoweeyay Guddoomiyaha Guddiga dhismaha jidka Garoowe-Godobjiraan Shiekh Daahir Maxamuud Cabdi, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Sheikh Maxamuud Warsame, Madaxa Shaqada Guddiga Cabdixakiin Warsame Cilmi iyo Xoghaya Guddiga Cabdiweli Cabdi Aaden oo uu weheliyo Guddoomiyaha Tuulada Awrculus Cabdicasiis Cabdi Xuseen.

Murashax Xildhibaan Sureer Abshir Muuse, ayaa Guddiga ku wareejisay deeq lacageed oo ay kaga qayb-qaadatay Dhismaha Jidka isku xira Garoowe iyo Godobjiraan, waxaana ay hadal dhiirri-gelin ah u jeedisay Guddiga.

Halkaan ka daawo muuqaalka oo dhan

PUNTLAND POST