Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa sheegtay in duqayn cusub oo ka dhacday koonfurta gobolka Mudug lala beegsaday saldhig ay leeyihiin Al-shabaab.
War ka soo baxay wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab degaan u dhexeeya Qaycad iyo Hareeri-dheere.
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug oo iskaashanaya ay hore u galeen degaanka duqaynta lala beegsaday.
“Laba gantaal oo kuwa diyaaradaha laga soo rido ah ayaa lagu duqeeyey saldhig kale oo kooxda Al-Shabaab ay ku lahaayeen Qaycad iyo Hareeri-dheere dhexdooda, waxaana hadda horey u galay ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug”.
PUNTLAND POST