Somaliland: Shiikh Aadan Siiro oo dhaliil kulul u jeediyay Muuse Biixi

Shiikh Siiro (bidix) iyo Muuse Biixi (midig)

Shiikh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada ugu waaweyn Soomaalida ayaa sheegay in shacabka Somaliland ay soo food saartay nolol adag oo qaarkood baqtiyayaan, wuxuuna arrintaas ku eedeeyay Xukuumadda Muuse Biixi.

Shiikh Siiro oo fagaare Hargeysa ku taalla kala hadlay boqolaal qof oo salaadii Ciida ku tukaday ayaa yiri “Xukuumadda Kulmiye ee hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxaan u sheegaynaa in dadkii baqtiyayaan oo ay soo ooteen”.

Shiikh Siiro ayaa sheegay in maciishada ay boqolkiiba labaatan 20% kacday ayna jirto shaqo la’aan baahsan, dadkuna u qeybsameen labo daba-qadooda oo midkood uusan awoodin in ay mushaarkooda ku dabiraan caruurta waxbarashadooda.

Sidoo kale Shiikha ayaa Muuse Biixi ku dhaliilay wadooyinka loo xiro iyo ilaalada faraha badan oo shacab qaarkiis dhib kala kulmaan.

Hoos ka daawo muuqaalka Shiikh Aadan Siiro

PUNTLAND POST