Somaliland ayaa maanta xabsiga ka siidaysay 35 gabdhood oo loo xiray qaadashada calanka Soomaaliya.
Gabdhahan ayaa maalmihii dabaal-dega xorriyada Soomaaliya laga qabtay magaalada Boorama, waxayna muddo ku xirnaayeen xabsi ku yaalla magaalada Gabiley.
Gabdhaha ayaa kamid ahaa 279 qof oo ku xirnaa xabsiyada Somaliland oo maanta lagu siidaayay cafis madaxweyne oo ka yimid Muuse Biixi Cabdi.
Dhanka kale waxaa weli xabsiyada Somaliland ku jira wiilal loo xiray qaadashada calanka Soomaaliya.
Somalilad bishii hore magaalooyinka Laascaanod iyo Boorama ku xirtay dhalinyaro isugu jira gabdho iyo wiilal ku labistay dhar ay ka muuqato astaanta calanka Soomaaliya.
PUNTLAND POST