Jabhadda hubaysan ee gobolka Tigray (Ethiopia) ayaa fuliyey holwgallo ka dhan ah ciidamo taageersan dowladda oo ku sugan gobolka deriska ah ee Cafarta.
Af-hayeenka jabhadda Getachew Reda ayaa AFP u sheegay in howlhgalka oo ahaa mid kooban, lala beegsaday ciidamo si gaar ah u tababaran iyo maleeshiyo kasoo jeeda gobolka Oromada oo isku urursanayey xuduuda Tigray iyo Cafarta.
Afhayeen u hadlay gobolka Cafarta kama jawaabin codsi la doonayey inuu arrintan uga hadlo.
Arrintan ayaa imaneysa iyada oo dhowr ka mid ah maamullada dalka Ethiopia ay sheegeen inay ku biirayaan dagaalka, si ay gacan u siiyaan ciidamada dowladda.
PUNTLAND POST