Booliiska Puntland oo hawlgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Badhan ee Gobolka Sanaag

Laamaha Amniga Puntland, oo xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay degmada Badhan ee Gobolka Sanaag, ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha Khamriga oo lagu qariyay guri ku yaalla magaalada.

Taliska Qaybta Booliiska Gobolka Sanaag, ayaa laga soo xigtay in hawlgalkaas lagu qabtay 23 dhalo oo Khamri ah, kuwaas oo lagu qariyay gudaha guri ku yaalla Badhan

Ciidanka Booliiska Puntland ayaa saacadihii u dambeeyay hawlgalo kala duwan ka waday degmooyin ka tirsan Gobolka Sanaag gaar ahaanna magaalada Badhan.

Saraakiisha ayaa sheegay in hawlgalkan lagu xaqiijinayo Amniga degmooyinka Gobolka Sanaag, islamarkaana lagu beegsanayo kooxaha maandooriyaha Khamriga ka ganacsada.

PUNTLAND POST