Guddoomiyaha Baarlamanka Jubaland ayaa magacaabay maanta oo Sabti ah magacaabay Guddiga Doorashada Xubnaha Aqalka sare ee laga soo doorto Jubaland.
Wareegto ka soo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka Jubaland ayaa lagu magacaabay Guddiga Xubnaha Aqalka Sare.
Guddiga oo ka kooban 9 xubnood ayaa sida qorshaysan Sabtida todobaadka dambe qabanaya Doorashada Xubnaha Aqalka Sare ee laga soo doorto Jubaland.
Xubnaha Aqalka sare waxa dooranaya Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland.

PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.