
Addis Ababa (Wararka PP) — Dowladda Jarmalka ayaa ku baaqday xabbadjoojin degdeg iyo in ciidammada shisheeye ay ka baxaan Itoobiya.
War saxafaadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimmaha Dibedda ayay dowladda Jarmalku ku digtay in xoog loo adeegsado beddelista xuduudaha goboleed ee Itoobiya, sida ay doonayaan xagjirka Amxaarada oo loo yaqaanno Fano. Baaqa ka soo baxay Jarmalka wuxuu cadaadis sii saarayaa Ra’iisal Wasaare Abiy Ahmed oo dhowr maalmood ka hor ciidammo goboleedyada Itoobiya u diray gobolka Amxaarada kaddib markii ciidammada Tigreegu qabsadeen Raya oo Amxaaradu qabsatay.

Dhanka kale, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe’s Omar (Cagjar) ayaa diidin kala kulmay saraakiisha sarsare ee booliska Liyuu oo uu ka dalbaday in ay difaacaan Amxaarada.
“Mustafe waa nin aad ugu daacad ah Amxaarada, aamminsan sarrayntooda. Waa sababta uu u doonayo inay Soomaalidu dhiig u daadiso Amxaaradu” ayuu yiri oday ku sugan Jigjiga.
© Puntland Post, 2021
You must be logged in to post a comment.