
Dowladda Seychelles ayaa sheegtay in ay sii daysay shan nin oo Soomaali ah, kuwaas oo loo haystay danbiyo la xiriira Burcad-badeednimo.
Maxkamadda Sare ee Seychelles, ayaa sheegtay in aysan jirin wax caddayn oo muujinaya in Raggaas ay Burcad-badeed ahaayeen, sidaas darteedna xabsiga looga sii daayay.
Saraakiil ka tirsan dowladda Seychelles, ayaa laga soo xigtay in ragga la sii daayay lagu celin doono dalkoodii Soomaaliya.
Waxa xusid mudan, in weli aan la shaacin magacyada ragga la sii daayay, islamarkaana aan faahfaahin intaas ka badan laga bixin xogtooda.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.