Galmudug ayaa sheegtay in ay ku hareeraysan tahay 60 dagaalyahan oo ka tirsan kooxda Al-shabaab, kadib dagaalo ka dhacay koonfurta gobolka Mudug.
War ka soo baxay Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa lagu yiri “Ciidamada huwanta ee qaranka iyo kuwa dawlad goboleedka Galmudug oo ku hareeraysnaa saacidihii la soo dhaafay koox argagixiso ah oo ka kooban qiyaastii 60 maleeshiyo ah ayaa la rajaynayaa in ay isku soo dhiibaan ciidamada huwanta ah ama in ay waajihi doonaan in laga taqaluso”.
Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Amniga Galmudug
Dhanka kale Galmudug ayaa sheegtay in aroornimadii hore ee saakay la fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay Al-shabaab ku doonayeen in ay la beegsadaan ciidamada huwanta, waxayna tilmaameen in la toogtay wadihii gaarigaas.
Wasaaradda Amniga Galmudug waxay sheegtay in ciidamada huwanta ah ay ku sii siqayaan magaalooyinka Camaara iyo Bacaadweyn, iyadoo la burburiyey difaacyadii Al-shabaab ee deegaannadaas.
Ma jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Galmudug oo laga helayo deegaanadaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.