Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Punrtland?

Golaha Wasiirada Punrtland ayaa maanta oo Khamiis ah yeeshay shirkoodii todobaadlaha, kaas oo shir guddoomiyay ku-simaha madaxweynaha ahna madaxweyne ku-xigeenka Axmed Cilmi Cismaan Karaash.

Bayaan kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in shirka looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, horumarinta garoomada diyaaradaha iyo Imtixaanaadka Shahaadiga.

“Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyay Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, horumarinta Garoomada diyaaradaha, Imtixaanaadka Shahaadiga ah iyo qodobo kale” ayaa lagu yiri bayaanka.

PUNTLAND POST