
Wararkii u dambeeyay waxay sheegayaan, in uu socdo dadaal lagu xallinayo muranka ka taagan wax-ka beddelkii xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland.
Dhinacyada ku muransan arrintan, ayaa sida la xaqiijiyay wada-hadal bilaabay, iyagoo isu- soo dhowaansho ka muujiyay xallinta khilaafka ka dhashay wax-ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka.
Fadhiga Baarlamanka ayaa lagu wadaa in Sabtida dib la isu’gu soo laabto, kadib mudda saddex maalmood ah oo la fasaxay xildhibaannada oo isku khilaafsan wax-ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha.
Sidoo kale, waxa la filaya in wada-hadal lagu dhammeeyo is-maandhaafka jira, islamarkaana xal rasmiya laga gaaro arrintaas.
PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.